Daawo Muuqalka”Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal Oo Ay Ka Furteen Kuwa Puntland
May 18, 2018 - Written by Berbera Today
Tukaraq(Berberatoday.com)-Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa soo bandhigay Gaadiid ay ka furteen Ciidammada Puntland oo Shalay ku soo qaaday Dagaal.
Taliyaha Ciidammada Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Wasiirka gaashaandhigga oo jiidda hore ku sugan ayaa deegaan 7KM dhanka Garoowe ka xigta Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool ku soo bandhigay illaa 7 Gaadiidka Dagaalka ah oo Ciidammadu ka furteen kuwa Puntland.
