Somaliland: Saacadaha Shaqada Oo Wax Ka Badel Lagu Sameeyay Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan + Akhriso
May 18, 2018 - Written by Berbera Today
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.
Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan n is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.