Duufaan Cusub Oo La Sheegayo Inay Ku Soo Socoto Xeebaha Somaliya
May 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Duufaan cusub ayaa ku soo fool leh dhanka waqooyi ee Soomaaliya. Waxaa saadaashu sheegaysaa in 3-4 ta maalmood ee socota ay gaadhi doonto dhulka beriga ah.
Deegaanada gobolka Bari ayaa qiyaasayaa in 24 ilaa 48 saac ee socota ay saamaynteedu soo gaari doonto.
Gobolka Awdal ayaa dhibaato badan ka soo gaartay duufaantii toddobaadkan ku dhufatay, iyadoo wali uu socdo gurmadka dadkii masiibadaas wax ku noqday.
Source:- Radio Ergo