berberatoday.com
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Soo Kormeeray Dadkii Ay Saamaysay Duufaantii Ku Dhufatay Xeebaha Somaliland+Daawo Sawiro
May 22, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka kormeer dhinaca cirka ah ku soo maray deegaamada xeebta Somaliland ku teedsan ee ay ku dhufatay duufaantu, ayaa gaadhay goobo muhiima oo ay ka mid ahaayeen tuulo xeebeedka Yago iyo garyaara oo ka wada tirsan Lughaya oo ay ku go’doonsanaayeen dad aad u jilicsan oo u baahnaa gurmad iyo gargaar caafimaad, iyadoo loo daad gureeyey magaalooyinka si loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiim uguna muhiimsanaayeen caafimaadku.

Image may contain: 5 people, shoes and outdoor

 

 

Image may contain: one or more people, outdoor and indoor

Waxa kormeerka madaxweynaha ka soo baxay o ay soo taabteen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta deegaamadaasi ay saamaysay duufaantu, iyadoo waxyeeladu ay marba marka ka sii danbaysa soo kordhayso oo la ogaanayo in khasaaruhu sii badanayo, waxaanu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray goobo ay ka mid yihiin Hadayta, maame, gargaara, ido-cadays, garbodadar, cabdi geedi, lughaya, riiga karuura iyo goobo kale oo ay saamaysay masiibadaasi.

Image may contain: outdoor

Image may contain: 1 person, outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Iyadoo ay Masiibadaasi sababtay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenku intii uu ku jiray kormeerkiisa waxa loo xaqiijiyey dhimashada dadka oo gaadhaysa 31 ay 18 ka mid ahi ku geeriyoodeen gargaara oo ka tirsan Lughaya iyadoo afarka mid ah dadkaasi la waayey raqdooda iyo ruuxdoodaba meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, child and outdoor

Image may contain: sky, outdoor and nature

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Ugu danbayn waxa goobahaasi gaadhay gurmad isugu jira caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha caafimaadka u qaabilsan Somaliland iyo gargaar dhinaca cunnooyinka ah, si loo badbaadiyo intii ka badbaaday masiibadaasi ee ku go’doonsan deegaamadaasi ku teedsan xeebaha Somaliland.

Image may contain: 10 people, beard

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews