Socodka dadka & gaadiidka ee Garowe & Laas-caanood oo amar culus laga soo saaray (Akhriso
May 22, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Qoraal ka soo baxay guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyey in la joojiyey isku-socodka Gaadiidka Magaaooyinka Garoowe iyo Laascaanood.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa si gaar ah loogu xusay in gawaarida Shidaalka qaada laga mamnuucay inay maraan goobaha ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaaliland ee uu dagaalku dhexmaray.