Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilaabay Inay Ka Wada Hadlaan Muranka Hawada Iyo Masuuliyiin Ka Kala Socda Oo Ku Kulmay Nayroobi
May 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wada hadal ku saabsan sidii isfaham looga gaadhi lahaa khilaafka ku saabsan hawada waxa ay ku yeesheen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Duuliye Cabdi Maxamed Rodol iyo wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad ayaa bishan waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Nayrobi, iyagoo kala hoggaaminaya laba wefti oo tirsan hay’adda duulista Somaliland iyo wasaaradda duulista ee Soomaaliya. Kulankan ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa qayb ka ahaa oo goob-joog ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya danjire Michael Keating iyo xarunta caalamiga ah ee wada hadalada dunida ee Centre for humanitarian dialogue (CHD), xafiiskeeda Nayrioobi.