Kooxda DAACISH Oo Badhtamaha Muqdisho Ku Dilay Askari Ka Mid Ahaa Taraafikada Soomaaliya
May 23, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ururka Daacish ee Soomaaiya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerar saacadihii hore ee Maanta lagu dilay Askari ka tirsanaa ilaalada Waddooyinka ee Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.
Ururka Daacish ayaa sheegatay in ay dileen sida ay hadalka u dhigeen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana ay soo bandhigeen Sawirka Qofka toogashada geystay oo dilaya Askariga.
Xoogaggan ka tirsan Daacish ayaa inta badan ka dagaalama gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland, hase-ahaatee marar badan oo hore ayey sheegteen dilal iyo weerarro ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.