Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa Iyo Arrimaha Ay Isku Hayaan
May 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaaf adag ayaa u dhexeeya madaxweynaha iyo
madaxweyne-xigeenka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiim Cabdillaahi Camey, xilli ay Puntland ku hanjabayso inay weerar ku soo qaadayso Somaliland.

Sida ay sheegeen warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay, khilaafka labadan masuul oo muddo soo jiitamayay ayaa u muuqda inuu imika banaanka u soo baxay, ka dib markii Mr. Camey uu ka soo xaadiri waayay shirarka golaha wasiirada iyo xafiiskiisa madaxtooyada. Waxa la sheegay in Mr. Gaas iyo ku xigeenkiisu ay isku seegeen mawqifka Puntland ee Imaaraadka Carabta. Madaxweyne-xigeenka ayaa la sheegay inuu la dhacsanyahay fikirka siyaasadeed ee dawladda Soomaaliya ee ay kaga soo horjeedo Imaaraadka Carabta, halka uu Gaasna si cad u taageersanyahay siyaasadda Imaaraadka Carabta oo uu dhawaan booqasho ku tagay. Gaas ayaa ku eedeeyay Mr. Camey inuu hoos ahaan ula shaqeeyo madaxweyne Farmaajo. Laakiin Camey ayaa isna Gaas ku eedaynaya inuu lunsaday dhaqaale badan oo Puntland loogu deeqay.