Nuxurka Warqad Hanjabaad Iyo Digniin Ah Oo Xambaarsan Laba Qodob Oo Uu Ergayga Qaramada Midoobay U Soo Qoray Somaliland Iyo Puntland –
May 24, 2018 - Written by Berbera Today
Nayrobi(Berberatoday.com)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya danjire Michael Keating, ayaa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, u soo diray warqad uu kaga dalbanayo in dagaalka la joojiyo islamarkaana la bilaabo wada hadal siyaasadeed oo lagu bedelayo dagaalkii dhawaan qarxay.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomaasiyadeed, danjire Keating ayaa dhambaalkan soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Puntland toddobaadkan, waxaanu dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland kaga codsaday inay si deg deg ah u bilaabaan wada hadal, si loo baajiyo in dagaal dambe dhaco.