Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wiil Qoyskiisii Ku Waayey Duufaannadii Xeebaha Galbeedka
May 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wiil dhallinyaro ah oo Duufaannadii dhawaan ku dhuftay Xeebaha Galbeedka Somaliland ku dileen 8 Xubnood oo qoyskiisa ka mid ahaa.

Wiilkan dhallinyarada ah ayaa waxa Duufaantii ku dhufatay xeebta Gobolka Awdal wuxuu ku waayay Labadiisii Waalid iyo Lix Carruur ah oo ay Walaalo ahaayeen.