berberatoday.com
Madaxweyne Dawlada Xamar Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Umagacaabay Baashe Yuusuf Axmed Oo Ah Masuul Katirsan Xisbiga Waddani
May 28, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dawladaasi Xamar Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo kamid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani xilkii ugu danbeeyay ee uu hayayna uu ahaa Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Xisbigaasi Waddani Ku Leeyahay magaalada Hargeysa Hase yeeshee dhawaan iskacasilay kadib Guuldaradii kasoo gadhay Xisbiga waddani doorashadii Madaxtooyada una fooftagay Dalka Somaliya.

Sidoo kale baashe Yuusuf Axmed waxa uu Xukumadii Madaxweyne Siilanyo ka soo noqday Agaasimaha guud ee Wasaarada shaqada. Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada.

 

Madaxweynaha dawlada Xamar oo faahfaahin ka bixinaya sababta uu Xilka uga Qaaday Ibraahim Iidle Saleymaan oo isna kasoo jeeda Somaliland una magacaabay Baashe Yuusuf Axmed ayaa Yidhi”

 

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yidhi Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay dawlada Xamar wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews