Maxaa Ka Jira In Pakistan Ay Gacan Ka Gaysatay Dilkii Usama Bin Laden? + Akhriso
May 29, 2018 - Written by Berbera Today
Pakistan(Berberatoday.com)-Hay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baadhitaan ku furtay
madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya.

Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah.