berberatoday.com
Carruurta Dugsiyada Looga Yaqaanno Saaqidiinta Badankoodu Waxa Ay Qabaan Dhibaato Dhinaca Aragga Ah Oo Aanu Waalidkood Ku Ogeyn Ama Aanu Ka Daweyn
May 31, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhibaatooyinka dhinaca aragga ah ee aan la daweyn karayn waxa dhaqaalaha adduunka sannad kasta kaga khasaara lacag dhan 200 bilyan oo doolarka Maraykanka. Tirakoobyada ugu dambeeyeyna waxa ay muujinayaan in dad tiradoodu ka badan tahay hal Bilyan oo daafaha dunida ku dhaqani ay u baahan yihiin muraayadda indhaha, laakiin aanay sababo dhaqaale awgood u iibsan karin. Iyada oo ay tirakoobyada qaarkood qiyaasayaan in tiradu ay gaadhayso ku dhowaad 2 bilyan iyo badh qof, oo ay ka mid yihiin saddex kun oo ka mid ah darawaliinta baabuurta xamuulka ee dalka Nigeria, kuwaas oo la ogaaday in araggooda fogi uu lunsan yahay, sidaa awgeed ay dadaal dhib badan iyo feejignaan sare la la yimaaddaan si ay u arkaan dhaqdhaqaaqa jidadka ay ku socdaalayaan. Waxa kale oo iyaguna ka mid ah dadka bunka beera ee dalka Bolivia, kuwaas oo aragdarrada haysa awgood ay badh badan oo ka mid ahi guri kari waayaan midhaha bunka ee bislaaday.

Waxaa iyaguna jira tobannaan milyan oo ka mid ah carruurta ku dhaqan dunida oo aanay qoysaskoodu awoodi karin in ay u sameeyaan baadhitaanka aragga indhaha, isla markaana aanay u iibin karayn muuraayadaha aragga si ay ugu suurtagasho in ay waxbarashada si fiican u wataan.

Coven Naidoo oo ah agaasimaha caalamiga ah ee hay’adda ‘Aragga ubadkeenna’ (Our Childhern Vision) ayaa mar uu ka hadlay dhibaatada awoodis la’aanta muraayadda aragga waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “In badan oo ka mid ah carruurta dugsiyada looga yaqaanno saaqidiinta, doqmaha ama in ay ku liitaan waxbarashada, sababtaas awgeedna aan laga filayn in ay horumar ka sameeyaan dugsiga. Waa carruurta u baahan muraayadda indhaha ee waalidkood u awoodi waayey in uu u iibiyo ama in uu shaybaadho oo ogaado awoodda araggooda”

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in sannadkii 2015 ka oo keliya ay hay’addani 37 Milyan oo doolar ku bixisay in ay muraayado bilaash ah siiso dadka dunida soo koraysa, laakiin boqolkiiba 1 keliya ayaa ay ka noqonaysaa dhaqaalaha loo qoondeeyey wax ka qabashada caafimaadka dunida.

adda ingagan oo ah noocyada aanay gudaheeda biyo ku kaydsanayn, sida timirta, sabiibta, lawska iwm. Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in haddii uu calool istaaggu aad u sii bato ay fiican tahay in qofku aanu isku eegin, balse uu isticmaalo dawooyinka caloosha jilciya, sida ‘Normalax’. Waxa kale xusid mudan in xilliga soonka ay dadka qaar isku arkaan gaas / naqas badan oo caloosha gala, taas oo ka mid ah sababaha keeni kara caloos istaagga. Waxaa fiican in qofka sooman ee isku arka gaastariga gaar ahaan dibbirada iyo naqasku in uu isticmaalo dawooyinka loo isticmaalo. Waxaa jira dawooyin cusub oo marka uu qofku liqo aan qasab ka dhigayn in uu muddo sugo cuntada ka hor, kuwaas oo xitaa cuntada kaddib la isticmaali karo.

Biyaha

Talada ugu fiicani waa in qofka soomayaa uu inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta cabbo 10 illaa 12 koob oo biyo ah. Habka ugu fiican ee biyaha loo cabbi karaa waa in kabbasho si yar-yar loogu cabbo, si aanay u keenin dharag sababa in qofku biyo yar cabbo. Waxaa fiican in biyaha lagu daro in yar oo xamar ama liin dhanaan ah.

Si xilliga ramadaanka jidhka looga ilaaliyo ingagga waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la iska daayo ama aad loo yareeyo cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’ sida bunka iyo shaaha, waxa kale oo muhiim ah in la iska yareeyo cuntada milixdu ku badan tahay. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu diidaan in xilliga soonka la cabbo cabbitaannada tamarta kordhiya, oo caadi ahaan sonkorta iyo Kaafiyeentu ku badan yihiin, marka laga tago in ay jidhka ingajiyaan, waxa kale oo ay sababi karaan dhibaato dhinaca shaqada beerka ah iyo garaaca wadnaha oo inta dabiiciga ah ka dhaqsada.

Khudradda badankeeda waxaa ku jira biyo badan, waxa aanay leedahay gan sababa in ay muddo dheer caloosha ku jirto, taasina ay ka hortag fiican u noqoto harraadka iyo gaajada labadaba. Waxaa ka mid ah xabxabka (Qaraha) oo boqolkiiba 92 biyo ah, tamaandhada oo boqolkiiba 94 biyo ah, iyo khayaarka oo isaguna boqolkiiba 95 biyo ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews