Wasiirka Beeraha Oo Booqday Gabadh Yar Oo Qoyskeedii Ku Wayday Duufaantii Ku Dhufatay Galbeedka Somaliland (Sawirro)
June 1, 2018 - Written by Berbera Today
Borama(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa u ballan-qaaday in Damaanadeeda Xukuumaddu qaadday Haboon Cumar Cawaale oo Hooyadeed, Aabaheed Iyo Carruurtii ay Walaalaha ahaayeen ku wayday duufaantii Sagar ee dhawaan ku dhufatay Xeebaha Somaliland.


