Daawo Muuqalka”Ururka Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Culus Ku Qaadey Puntland Iyo Khasaaraha Ka Dhashey Dagaalkaas
June 2, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Berberatoday.com)-Ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar culus habeen xalay aheyd ay ku qaadeen fadhiisin ciidamada Puntland ee Toga Bali Khadar oo ku yaala duleedka Boosaaso isla markaana cidhifka ku haya buuraleyda Gal Gala sida ay baahisay idaacada VOA .
Weerarkan oo saacado badan socdey ayaa waxaa uu dhacay xalay xiligii suxuurta , isla markaana waxaa hubkan labada ciidan ay isku adeegsadeen hub culus iyo rasaas badan , waxaana ay dadka deeganku ay idaacada VOA u sheegen in ay maqlayeen dhawaaqa hubka Culus