“Dagaalka Waxa Gala Nin Beeb Iska Cabaaya Oo Waligii Aan Dagaal Arkin Oo Kursi Yar Isku Ruxaaya. Annagu Waayo Arag Ayaanu Nahay Oo Dagaal Uma Socono”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
June 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan inta badan dadka ciidamada iyo dagaalada soo maraa aanay ku degdegin saxeexa colaada balse dadka aan ciidanka aqoonta u lahayni ay ku dheereeyaan saxeexiisa.
Waxa uu madaxeynuu si duur xul ah ula hadlay madaxtooyada maamul gobaleedka Puntland oo ku dhawaaqday inay dagaal Somaliland ku soo qaadayso, waxaanu sheegay in xuduudka dalka la difaaci doono, waxa uu sidan ka sheegay madaxweyne Biixi dafcad ciidamo ah oo uu u soo xidhaayay tababar ay ku dhamaysteen xerada tababarada Cabdillaahi Askar ee duleedka Hargeysa.