Dawlada Qatar Oo Markab Hub Ah U Soo Dirtay Somaliya Iyo Xogo Qarsoon Oo La Helay
June 2, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dawlada Qatar ayaa waxaa ay Markab hub ah u soo dirtey dalka Somaliya , iyada oo jabisay Qaraarkii qaramada midoobey kaga mamnuucay hubka tan iyo sanadki 1992 .

Sidaas waxaa lagu baahiyey qoraal wargeyska Al-Bayaan qoray maalin ka hor , wararka ayaa intaas ku daray In dawlada Doha ay sida ay u kuurgalayaashu tilmaameen uga jeeddo inay ku maamusho oo saameyn ku yeelato wadamada Africa iyo inay joogtayso gacan ku yeelashada ururada Argagixisada ah .