berberatoday.com
Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Oo Lacagtii Biyaha Lagu Iibin Jiray Kordhiyay 50% Isaga Oo Aan Sharciyada Dalka Usoo Marin Xili Xaafadaha Berbera Aanay Kala Badh Biyo Helin
June 2, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoiday.com)-Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Axmed Aadan Ismaaciil ayaa Kordhiyay qiimaha Mitir Kuyuubka Biyaha ah lagu Iibiyo 50% oo udhignata in Halkii Mitir Kuyuuba Lagu Kordhiyay 3000 sadex Kun oo S/Land shilin ah halka Markii Hore uu ahaa Mitir Kuyuubku 6000 S/land shilin ah hadana uu Noqonayo 9000 Sagaal Kun oo S/land shilin ah isaga oo aan sharciyadii saxda ahayd usoo marin oo aanay ansixin haayadaha sharci dajinta ee dalku ee awooda uleh inay ansixiyaan dakhli kasta oo dawladu Kordhiso.
Warkan oo aanu ka helay ilo wareedyo Ku dhawdhaw Maareyaha wakaalada Biyaha Berbera oo isagu hore warbaahinta ugu sheegay inuu xoolaha dhoofaya Ku kordhin doono Lacagta ay Biyaha ku cabaan hase yeeshee aanu dadka Waxba Ku kordhin doonin ayaa hada uun ay soo shaac baxaday inuu biyaha iska gabaabsiga ah ee dadku cabaan ku kordhiyay 50%.
Maareyaha wakalada Biyaha Berbera oo mudo sanad oo Bilo ah maamulka Wakaalada Biyaha Berbera Maamulaayay ayaa la kowsaday daaladhac Maamul Islamarkaana waxa uu noqonayaa Maareyihii uhoreeyay ee lacgata intaas leeg hal mar biyaha berbera ku kordhiya iyada oo warar laga soo sheegayo Maareyaha wakaaladuna ay sheegayaan in wasiirka Wasaarada Biyuhu La Ogyahay lacagta La Kordhiyay 50%-ga ah.
Geesta kale magaalada Berbera ayaa waayadan dabe la daalaca dhacaysay biyo yaraan soo foodsaartay oo aan ilaa hada xalkeeda lahelin waxaana aan biyo ku filan helin guud ahaan magaalada Berbera iyada oo xaafado badan oo lagu qiyaasi karo kala badh xaafadaha magaalada Berbera biyo la,aan laga rajo beelay taalo maamulka wakaalada Biyuhuna aanu wax qorshe ah uhaynin lagana sugayn oo tahli waayay.
Warar kaloo ay warbaahinta Madaxa banaani helayso ayaa sheegaya in Maamulka wakaalada Biyaha Berbera biyaha yar ee magaalada sida tacabka ku yimaada uu Maareyaha wakaalada Biyuhu damacsan yahay inuu uweeciyo dhinaca Maxjarka Dhoofka Xoolaha ee Unated Guranteen ama loo yaqaan Maxjarka sadexaad ee iskacaabinta oo kuyaala Marinka bari ee ay magaalada Berbera biyuhu kasoo galaan halkaasna ay hada ka socoto dhigida beebka biya loogu weecinayo maxjarkaas taasina waxay sababi doontaa in gabi ahaanba biyaha yar ee xaafadaha Berbera qaarkood helaan go.in doonaan hadiiba Maxjarkaas biyaha loo weeciyo ama loo duwo.
Qorshahan uu sida kalida ah usoo samaystay Maareyaha Wakaalada Biyaha berbera ayaa la sheegaya inuu ku wado inuu dhaqan galiyo bishan shanaad ee dhamaatay marka biilasha la qaadayo waxaana biilsha bishan lagu jaray lacagtaas la kordhiyay ee 50% ah ee aanay xitaa ka warqabin Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo sharciyan maamulka wakalada Biyaha Berbera hoos tagaan maadama oo ay wakaaladu kutaalo degmada Berbera waana markii uhoreysay ee lacag intaas leeg oo 3000 Sadex Kun Oo S/land shilin ah maamul wakaalad Biyood ku kordhiyo dadka danyarta ah ee kulaylka iyo cimilada daran ee berbera la dariska ah islamarkaana aan helin biyo ku filan Wakhtiyadan xagaaga Ba,ani dhacayo ee biyahana baahid weyn shacabka reer Berbera uqabaan.
wakhti Xaadirkan ayaa waxa wakaalada Biyaha berbera ku jiran masuuliyiin ka socda Haayada hanti dhawrka guud ee qaranka kuwaas oo kawada baadhis la xidhiidha dhinaca maamliyada iyo qaabka loo maamul lacagta wakaalada soo gasha waxaanay albaabada uxidheen xafiisyada maaliyada qabta ee wakalada Biyaha Berbera lamana oga ilaa hada waxay kasoo saareen.
Maareyah Wakaalada Biyaha Berbera Axmed Aadan ismaaciil oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino lacagta uu kordhiyay iyo hanti dhawrka kujira Xafiisyadiisa maaliyada ayaa ka jawaabi waayay Tilifoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay dhawr jeer.
Berberatoday.com
COMMENTS
|