SPAIN: Baarlamaanka Oo Caydhiyey Raysal-Wasaarihii Iyo Xukuumaddii Dalkaasi
June 2, 2018 - Written by Berbera Today
Madrid(Berberatoday.com)-Raysal-wasaarihii Dalka Spain Mariano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain.
Hoggaamiyaha xisbiga hanta-wadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha kuna eedeeyay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain.
“Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo ah taariikhda dimuqraadiyadda dalkeena..” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha cusub ee Dalka Spain
Mr Rajoy ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee taariikhda cusub ee dalka Spain ee waaya codka kalsoonida ee baarlamaanka dalkiisa.