Dawlada Talyaaniga Oo Dawlada Xamar Ku Wareejiyey Gawaadhi Awood Uleh Hortaga Qaraxyada Iyo Ismiidaamnta Oo Qalab Casriyi Ku Xidhanyahay+Daawo Sawiarada
June 3, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Talyaaniga, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey Seddex Gaadhi oo labo kamid ah ay yihiin BMW oo ka mid ah gawaadhida ugu qaalisan Caalamka, kuwaasi oo ay ku xidhan yihiin Qalab fududeynayo ka hortaga Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.

Safiirka Dawladda Taliyaaniga ee Soomaaliya Danjire, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku wareejiyey Documents-ka iyo Fureyaasha Gawaadhidaan, waxaana Safiirka warbixin uu ka siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska qalabka ku xiran gawaaridan ee looga hortago Qaraxyada iyo daba galka dambiyada.