Barnaamij soo bandhigaya Khasaaraha Duufaantii Sagar gaadhsiisay Dhul-beereedka Galbeedka Somaliland
June 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa Barnaamij gaar ah ka diyaariyey Dhibaatada ka dhalatay Duufaantii Sagar ee dhawaan ku dhufatay Gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil.
Barnaamijka ayaa si gaar ah u soo bandhigaya khasaaraha Duufaantaasi gaadhsiisay Beerihii ay ka soo gu’i jireen Khudaarta kala duwan ee deegaannada Gobolka Awdal, sida Baki, Garbo-dadar, Ruqi iyo kuwo kale oo badan.
