Dhoofkii Xoolaha Somalida Ee Xiliga Xajka Oo La Furay Iyo Hawlaha Shaqo Ee Caafimaadinta Xoolaha Oo Ka Bilaabantay Maxjarada Berbera
June 5, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Labadii Sanadood ee Udanbeeyay waxaa xidhnaa Guud ahaan Dhoofka Xoolaha nool ee Somalida kuwaas oo loo iib gayn jiray wadamada Carabta gaar ahaan dalka Sucuudi Carabiya oo xoolaha Somalida inta ugu badan qaadan jiray.
xiligan imika lagu jiro oo Moosimkii Xajku uu fooda inagu soo hayo ayaa waxa la furay Xoolihii Somalida ee Xiliga xajka La dhoofin jiray tujaarta carabeed ee xoolaha Somalida iibkooda caanka ku ahaa ee kala ahShalawi, Caadil,Khalafi Iyo Ganacsadaha ugu caansan ee Saleebaan aljaabiri aya xoolahan sanadkan ee Xajka oo tiradooda lagu qiyaasay in kabadan laba milyan oo neef ka dhoofin doona dekeadaha Somalida xoolahaas oo intooda badani ka dhoofi doonaan dekeda caalamiga ah ee Berbera.
Maxjarada xoolaha Lagu ee Berbera ayaa saaka waxa ka socotay shaqo xoogan oo lagu caafimaadinayo xoolaha La dhoofin doono habeenada soo Socda ee moosimka xajka waxaana halkaas shaqooyin kala duwan ka hayay dhalinyaro reer Somaliland ah oo xiligan oo kale shaqooyin kala duwan ka hela dhoofka xoolaha.