Urur Caalami Ah Oo Ka Digay In Khilaafka Dalalka Khaliijku U Saameyn Ku Yeesho Dalalka Somaliland Iyo Somaliya + [ Akhriso War Bixin ]
June 5, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.
Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.