Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Dagaalka Tuke-Raq Iyo Maxaa Laga Soo Saaray
June 6, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa isniintii toddobaadka lagaga hadlay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland.

Xildhibbaan Stephen Doughty ayaa weydiiyay wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Harriett Baldwin doorka ay dawladda Ingiriisku ka qaadanayso joojinta dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Puntland ayaa waxa ay wasiiradu sheegtay in safiirka Ingiriiska ee Muqdisho joogaa uu wada-hadal la yeeshay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland isaga oo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dagaalka loona gaadhi lahaa xabad joojin waarta.