berberatoday.com
Dawladda Sucuudiga Oo Bilowday Inay Dumarka Siiso Liisanka Kaxaynta Gaadiidka
June 6, 2018 - Written by Berbera Today

Jeddah(Berberatoday.com)-Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilowday in ay siiso haweenka dalkaa ruqsadda darawalnimada, iyadoo markii ugu horeysay haweeney loo ogolaaday in ay kaxeyn karto gaadhii, iyadoo heshay ruqsadda dirawalnimada ama Liisan.

War ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga dirawalnimada, taasoo ka dhiggan in wixii hadda ka danbeeya haweenka Sacuudigu kaxeyn karaan gaadiidka.

Haweenka la siiyay sharciga dirawalnimada ama Liisanka ayaa ugu horeyn la imtixaamay, ka hor inta aan la siinin Ruqsadda darawalnimada.

Sawirka haweeneydan ayaa waxaa soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Sucuudiga, sidoo kalena Gabadhan ayaa ah haweeneyda kaliya ee macalimadda ka ah Jaamacadda Sattam Bin Abdulaziz.

Haweenaydii u horreysay ee la siiyey Liisanka Kaxaynta Gaadiidka ee Sucuudiga

Sacuudiga ayaa 24-ka bishan si rasmi ah u qaadi doona xayiraadda saarneyd haweenka in ay gaadiidka kaxeeyaan, waana mid ka mid ah tallaabooyinka dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku casriyeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Laakiin, ka hor go’aanka uu qaatay dhaxal-sugaha waxaa xusid mudan in marar badan oo hore dowladda Sacuudigu xabsiga dhigtay haween u ololeynayay xuquuqda darawalnimada.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews