Madaxweynaha Somaliland Iyo Ku-xigeenkiisa Oo 35% Mushaharkooda U Jaraya Difaaca Qaranka
June 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Qabsoomay Khamiistii ayaa lagu go’aamiyey in Mashaariicda Horumarineed ee ku jira Miisaaniyadda Qaranka boqolkiiba Shan looga jaro Difaaca Qaranka, inta lagu jiro bilaha July illaa December, 2018.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa boqolkiiba labaatan ka mid ah Mushaharkiisa u jaraya difaaca Qaranka, halka Madaxweyne ku-xigeenkuna uu Mushaharkiisa boqolkiiba 15 u jaraya Difaaca Qaranka.
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee xarunta Madaxtooyada JSL ka qabsoomay Khamiista Maanta.