Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud Ee JSL Oo Gaadhay Degmada Widh-Widh
June 8, 2018 - Written by Berbera Today
Widh-widh(Berberatoday.com)-Waxa Maanta Degmada Widh-Widh oo ka mid ah Gobolka Buuhoodle gaadhay Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku marayey Deegaannada hoos yimaadda Buuhoodle.

Weftiga oo uu ka mid yahay Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha JSL Cabdirashiid Riyo-raac, Wasiirka Arrimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf iyo Masuuliyiin kale, waxa halkaa ku soo dhaweeyay Dadweynaha Degmada Widh-Widh, Masuuliyiinta Degmada iyo ka Gobolka Buuhoodle.