Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Guddoontay Lacagta Ay Dawladda Soomaaliya Ugu Deeqday Dadka Ay Duufaantu Waxyeelaysay
June 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay Somaliland gudoontay lacagtii ay Soomaaliya ugu deeqday isla markaasna ay tahay lacagtaasi mid ay Somaliland iyo Somaliya isku lahaayeen maadaama oo ay Somaliland hore Soomaaliya ugu caawisay lacag ku dhow hal milyan oo dollar markii ay abaaraha ba’ani ku dhufteen.
