Madaxweyne Muuse Biixi Oo Guddi Miisaan Leh U Saaraya Xal U Helista Shaqaaqada Ceel Afweyn Iyo Magacyadooda
June 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan la filayaa inuu ku dhawaaqo Gudi ka kooban siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland iyo Culimo Awdiin kuwaasi oo uu u xushay xalinta Dagaalka dhiiggu ku daatay ee ka taagan Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee u dhexeeya labada beelood ee Walaalaha ah,Waxa ay gudidaaasi sida la sheegay hawlgalkooda bilaabayaan Ciidal Fidriga kadib oo ay inaga xigaan Muddo taban maalmood ka yari.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Gudidaasi ayaa warbaahinta u sheegay in gudidaasi ay iskugu jiraan Masuuliyiin Xil Madaxweyne ka soo qabtay Somaliland iyo kuwo Xil Madaxweyne ku xigeen ka soo qabtay dalka. Waxa uu carabka ku adkeeyay oo shaaaca ka qaaday inuu gudidaasi ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale kaahin,Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac,iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo isna hore Madaxweyne ku xigeen Somaliland uga soo noqday,waxa kale oo uu sheegay oo Gudidaasi ku jira Mujaahid Ibraahim Dhegaweyne,iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo ee dhawaan Somaliland nabadda la qaatay Cali Khaliif Galaydh,waxa sidoo kale uu sheegay in dhinaca Culimada uu kaga jiro Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah Culimada Waa weyn ee Reer Somiland.