Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyayaashii Ciidamada Milatariga Iyo Sirdoonka Oo Mudo Dheer Xilalkaas Soo Hayay
June 10, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa xilkii ka qaaday taliyayaashii ciidamada milatariga Itoobiya iyo sirdoonka Samora Younus iyo Getachew Assefa.
Bedelkooda wuxuu taliyaha milatariga Itoobiya u magacaabay General Seare Mekonen, halka uu taliyaha sirdoonka u magacaabay General Adem Mohamed. General Samora ayaa taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ahaa 17 sannadood. Halka uu General Getachew Assefa xilka sirdoonka Itoobiya hayay muddo ku siman 18 sannadood.
Isbedeladan uu Raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya ku sameeyay ciidamada milatariga iyo sirdoonka, ayaa waxa ka horeeyay wasiir cusub oo uu u magacaabay gaashaandhiga.