Khilaaf La Sheegay Inuu Ka Dhex Qarxay Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wasiir Maxamed Kaahin+Arimaha Xasaasiga Ah Ee Lagu Kala Fogaaday
June 11, 2018 - Written by Berbera Today
Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wasiir Maxamed Kaahin Oo Muddo Dheer Saaxiibo Siyaasadeed Ahaa Oo Fiintu Dhex Miranayso

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay khilaaf ba’an oo la xidhiidha Xalinta Shaqaaqada Ceel-afwayn, kaas oo ilo wareedyadu sheegayaan in Madaxwayne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay si weyn iskugu khilaafeen ka dib markii uu madaxwaynuhu qaatay talo soo jeedintii beesha habar yoonis isla markaana ay ku dadafeeyeen dhex dhexaadnimada maxamed kaahin.