Siyaasi Ka Tirsan Waddani Oo Quudhsi Ku Tilmaamay Lacagtii Ay Somaliya Ugu Deeqday Somaliland
June 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd.
Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Farmaajo isaga oo dagaalkan inuu dhinac yahay lagu eedaynayo ayuu Somaliland u soo diray lacag isagoo oo aan la hadlin, Hiiran iyo Gobol kale oo Somaliya ah ayaa iyana lacagtan oo kale la siiyey, lacagta la bixiyey Farmaajo daacad kamay ahayn, ee qorshihiisa ayaa ahaa in Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Hiiran lacag la siiyo, lacagtaasna waa la siiyey, Somaliland, waxa se nasiib daro ah in Wasiir Sacad Cali Shire,inuu caadi ka dhigo lacagtan la inagu khaldayo, waxaana qabnaa waliba in lacagtan shuruudo lagu xidhaayo, halkan million ee la ina siiyey wuxuu ahaa cad quudhsi, cadka quudhsiina lama qaato, ee inaynu iska dayno ayey ahayd”.