“Aniga Qabiilku Macno Iiguma Fadhiyo, Ee Ha Rumaysanina Kuwa Yidhaahda…” IDAAJAA Oo Hargeysa Lagu Casuumay
June 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Xalay Magaalada Hargeysa Casuumad loogu sameeyay Qoraaga Caanka ah ee Axmed Faarax Cali (Idaajaa), kaasi oo Maalmihii u dambeeyay Safar ku joogay Hargeysa.
Qoraaga ayaa waxa Casuumadda loo sameeyay ka qayb-galay Abwaanno, Qoreyaal iyo Marti-sharaf kale oo ka mid ah Hal-doorka Bulshada Somaliland, kuwaasi oo Xafladda uga qayb-galay inay Maamuusaan Qoraa Idaajaa.
