Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD + Puntland Oo Shuruud Iyadu Ku Xidhay
June 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay ogolaatay dedaal ay dalalka IGAD iyo Qaramada Midoobay ku doonayaan in xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka Puntland ee ku dagaalamay Tuko-raq, laakiin maamul goboleedka Puntland ayaa diiday qorshahaas.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dawladda Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.