Puntland La Sheegayo Inay Diiddan Tahay Waan-waan Nabadeed Oo Beesha Caalamku Ka Dhex Waddo Somaliland
June 13, 2018 - Written by Berbera Today
Boosaaso(Berberatoday.com)-Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa diiddan Waan-waan Nabadeed oo Beesha Caalamku doonayso inay ku dhamayso Colaadda u dhexeysa Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa laga soo xigtay in Bulshadu Caalamku waddo dedaallo ay ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan Dawladda Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ka dib markii Ciidammada labada dhinac dhowr jeer ku dagaalameen duleedka degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland, halkaasi oo Ciidammada Puntland oo kuwa Somaliland ka saareen horraantii Sannadkani doonayaan inay dib u qabsadaan.