Akhriso”Wararkii Ugu Danbeeyey Isku Shaandheynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Sameynaayo Xukuumadiisa
June 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar lagu baahinayo baraha ay bulshadu ku xidhiidho ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa islamarkaana uu golihiisa xukuumadda ku soo daro wejiyo cusub.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi uu markii u horaysay isbedel ku samaynayo golihiisa wasiirada oo uu magacaabay bishii December ee kal hore. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu xilka ka qaadi doono xubno wasiiro ah, halka uu kuwo kalena u bedeli doono wasaarado kale, waxaanu golihiisa ku soo dari doonaa siyaasiyiin cusub.