Puntland Oo Sheegtay Inay Amartay In Hawadeeda Laga Saaro Daawashada TV-ga Qaranka Somaliland
June 14, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa amar ku siiyey shirkad maxaddadaha TVyada maxalliga ah qaybisa inay ka saarto kanaalladeeda Tvga Qaranka Jamuuriyada Somaliland, si aan looga daawan deegaannada ay ka taliso Puntland.
Warqad uu ku saxeexnaa wasiirka warfaafinta ee maamulka Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, laguma sheegin sababta rasmiga ah ee talaabadaas loo qaaday, wuxuuse go’aankaas noqonayaa mid khuseeya maamulka Puntland oo kaliya.
Xiisad ayaa weli ka dhex jirta Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo dagaallo ay ku dhex mareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.