Ugu Yaraan 40 Ruux Oo Ku Nafwaayay Dagaal Dhex Maray Somalida Itoobiya Iyo Oromada Dalkaas
June 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Dagaal u dhaxeeya laba jufo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, ayaa iska hor imaad ku dhex maray meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada jigjiga. Deegaankaas ayaa xad la leh dhulka buuraleyda ah ee Harar, gaar ahaan degmada Jinacsaney ee ay Orommadu degto.
Wararku waxay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay ku dhinteen seddexdii usbuuc ee u dambaysay oo dagaalladu ay dib u soo cusboonaadeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in bilihii u dambeeyey ay deegaankaas ku sugnaayeen milateriga dawladda Itoobiya, balse ay dagaalladu soconayeen, kuwaasoo sii xoogaystay dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.