berberatoday.com
Booqashada Ahmed Aby Ma Booqasho Mise Bahdilid
June 16, 2018 - Written by Berbera Today

Booqasho mise Bahdilid?

Booqashada Aby Ahmed uma arko inay tahay wax lagu farxo ama ah guul ay heshay Somalia.
Waxaan u arkaa in ay tahay in lagu dagay oo la afduubay Qarannimada dal Xor ah. Hadda kahor, ayaan qoraal dheer arrintan ka qoray.

Ku-habsasho dublomaasiyadeed (diplomatic seizure).

Dunida waxaa jira Brotokool dawladuhu ku dhaqmaan oo la raaco, marka Madaxdu booqanayso dalal kale. Gabi-ahaanba booqashdani kama muuqan xataa wax u eg booqasho arrimaha soo socda datood;

Dawladda Soomaaliyeed waxay samaysay dadaal dheer oo ay ku soo dhawaynayso Aby Ahmed iyo Wafdigiisa, laakiin waxay la kulantay handadaad iyo in loola dhaqmay si aan waafaqsan shuruucda dalka u yaalla.

Gaatin-Socod: Waa habmaamuus lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka iyadoo ninka seefta wata uu dhinac socdo madaxda si uu u tuso halka la marayo iyo halka laga qaadanayo salaanta. Ninkaas waa la jiiray.

Gabdhaha Ubaxa: Iyagana waa lagu tuntay oo waxaa ku dagay hal urur oo ciidamada Ethiopia ah. Waxaad arkaysaa iyagii oo kala cararaya.

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya oo ah nin asalkiisu Soomaali ah oo inta diyaaradda dadkii ka soo hormaray hoos yimid, kaddibna madaxwaynaha hoos wax ugu sheegay, kaddibna ku laabtay dayuuradda. Kaddibna soo dajiyey Aby Ahmed. Waa wax ku cusub anshaxa iyo Brotokoolka Caalamka.

Hal Urur: Wuxuu watay ciidamo badan oo ku xoonsanaa meel kasta oo uu yimaado Aby Ahmed. Qaar baa hubkoodii iyo sawaariikh dhar loo galiyey watay. Qaar baa hub muuqda watay. Qaar baa ku labisnaa dereeska Milleteriga Ethiopia oo la wareegay Airport-kii.

Kaalintii Ciidamada Soomaaliya ee martida loo ahaa Ma muuqan. Saraakiishii iyo Madaxdii Soomaaliyeed ee safka ku jiray, waxaa jiiray Ciidamadii Ethiopia. Dhammaan hawlwadeennadii Soomaalida ee sugi lahaa nabadgalyada ma muuqan.

Duullimaadyadii soo dagi lahaa, waa la hakiyey booqashada Aby Ahmed darteed. Inkastoo la garaacay muusikada astaanta u ah labada dal, haddana iima muuqan hab wanaagsan oo lagu kala garanayey Aby Ahmed iyo ciidankiisa.

Madaxdii Isticmaarka ee Britain iyo Itay markii ay booqashada ku iman jireen Soomaaliya xataa sida maanta dhacday si ka wanaagsan ayey u iman jireen. Ma ahayn booqasho lagu farxo ninkii uu ku jiro damiir Soomaallinimo.

Ma la aamini waayey dawladda Soomaaliyeed iyo hawlaha ay ka wadday sugidda amniga Aby Ahmed iyo wafdigiisa. Waxa maanta yimid ma oran karo wafdi ee waxaan oran karaa (Diplomatic Hijacked Visit) booqasho wadata afduub diblomaasi.

Siyaasadda ka dambaysa Booqasha Aby

Waa dekedda Berbera iyo sidii loo xalaalaysan lahaa iyadoo loo ekaysiinayo in Soomaaliya iyo Ethiopia ay heshiis ku yihiin isticmaalka Berbera iyo Boosaaso. Ninkan wuxuu PHD ku haystaa diblomaasiyadda, sirdoonka, xiriirka caalamiga ah iyo Milleteriga. Wuxuu shaxayaa siyaasad ka duwan tii ay ku socdeen madaxdii isaga ka horraysay. Wuxuu iska dhigayaa in uu ku soo hormaray Federaalka, isagoo aan fiirin Somaliland iyo maamullada dalka. Waa siyaasad fog oo lagu xodxodanayo wax-ma-garatada iyo kuwa jilbaysan.

Waxa ugu horreeya ee lagala hadli doono Faramaajo waa, in maraakiibta Ethiopia ee sida qarsoodiga ah uga shaqaysta badaha Soomaaliya loo siin lahaa fariisimo sharci ah oo ay alaabta kala soo dagaan.

Waxaa kale ay ka hadlayaan in labada shacab la isku furo, taas macnaheedu waa in 100 million oo Ethiopia ah lagu soo faruuro Soomaaliya.

Ajandaha waxaa ku jira in labada dal dhaqaalaha xor looga dhigo, taas micnaheedu waa in Ethiopia ay isticmaali karto badaha Soomaaliya oo la sahlo Baayacmushtarka.

Waxaa kujira qorshaha in Ethiopia ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha Ciidamada iyadoo la doonayo in saamaynta Turkey meesha laga saaro.

Ethiopia waxay wadataa inay Soomaaliya ka caawiso dhinaca waxbarashada, si afka Xabashida loo galiyo dalka oo qof walba uu ku hadli karo Xabashida.

Dhammaan inta aan soo sheegay waa arrimo sugan oo la doonayo in lagu wiiqo awoodda iyo horumarka maanta Soomaaliya ka jira. Dawladda Farmaajo uu hoggaamiyo, waxaa u yaalla caqabado iyo gaxandho badan oo ay adag tahay inay fahamto. Waase la arki doonaa

Awrka Cirka

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews