“Kiiska Ay Puntland Ka Hadlayso Ee Isirka, Caalamku Ma Fahmayo, Waana Inay Somaliland Iyo Soomaaliya Ka Wada Hadlaan” Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa
June 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Somaliland oo xadkeedii joogto in haddana laga dhigo inay Puntland ku tacadiiday, kuna xad gudubtay, waxaanu xusay inay Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda gaadho, isagoo soo jeediyey in xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Tuko-raq, inay Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan.