Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD Oo Aan Weli Xal U Helin Heshiis Laga Gaadho Dagaalka Tuko-Raq Iyo Cabdiweli Gaas Oo Noqday Caqabad
June 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaan weli guul la taaban karo ka gaadhin joojinta dagaal dambe oo ka dhex qarxa dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland.
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ergayga Qaramada Midoobay danjire Michael Keating u sheegay in Somaliland ka baxdo Tukaraq haddii la doonayo in la bilaabo wada hadal nabadeed, islamarkaana ay ciidamada qaranka Somaliland dib ugu laabtaan fadhiisinkoodii ay joogeen bishii January ee sannadkan.