Hargeysa”Ciidamada Nabad Galiyada Wadooyina Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Hore Loo Xaday Oo Mudo Kooban Maqnaaa
June 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan Ciidanka Nabadgalyada wadooyinka ayaa ku guuleystay baadhitaan ka dib inay helaan laba gaadhi la xaday oo laga kaxaystay bartii la dhigay gudaha magaalada Hargeysa,
Labadani gaadhi ayaa waxaa kala lahaa Suxufi Abiib iimaan Xasan iyo Suxufi khadar Macalin deeq oo ka kala tirsan warbaahinta Dawlada iyo ta Madaxa Banaan.
Gaadhiga Suxufi Abiib Iiman xasan ayaa lagu qabtay tuugtii dhacday oo lambarka ka bedelay halka Gaadhiga suxufi khadar macallin deeqna laga helay isaga oo sidiisii ah lana dhigay baarkin