berberatoday.com
Maxkamad Ku Taalla Dalka Canada Oo Nin Soomaali Ah Ku Xukuntay 15 Sanno Oo Xadhig Ah
June 19, 2018 - Written by Berbera Today

Ottowa(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa ee dalka Canada waxa ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub 2008-dii meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabadh Wariye aheyd.

Dacwadda Cali Cumar Adeer ayaa soo soctay in mudo ah marar badan, waxaana xusid mudan in marar badan oo maxkamada la horkeenay uu diiday eedeymaha loo soo jeediyay, isaga oo ku adkeystay in uu ahaa turjumaan oo kaliya.

 

 

Cadeymo la horgeeyay Maxkamadda oo isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadal kula jira hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo kuw kale oo ay keeneen ciidamada aan is muujin ayaa sababtay in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.

Qaadiga Maxkamadda Sare ee gobolkaasi oo dacwadda qaadayay ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu u qalmo xukunka ku dhacay ee 15 sano ah.

Ninkan ayaa waxaa la xidhay 2015-kii kadib markii dalka Canada lagu geeyay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa, balse dadka kala shaqeynayay arrintaasi ay ahaayeen ciidamo qarsoon oo heer federaal ah.

Mudadii uu xidhnaa Cali Cumar Adeer ayay Maxkamadu sheegtay in laga jarayo sanadihii lagu xukumay marka uu dhameystana loo soo musaafurin doono Soomaaliya.

Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia ayaa afduubnaa 460 maalmood 2008-dii, waxaana Linda markii dambe lagu sii daayay 600,000$ oo ay dhiibeen qoyskeeda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews