Somaliland”Wariye Mudo 9 Bilooda Uxidhnaa Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin Oo Xoriyadiisii Dib Uhelay
June 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta Dib Xoriyadiisii U Helay Wariye Mohamed Aadan Dirir oo Mudo Sagaal 9 Bilood ah ku xidhnaa Xabsiyada Hargeysa iyo Mandheera Ka dib markii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Sanad iyo Lix Bilood iyada oo xiligaas uu Dacwad kusoo oogay Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin ninka Lagu Magacaaby Mahad Ibraahi Maxamed.
Wariye Maxamed Aadan Dirir oo Goordhaweyd Xabsiga Dhexe ee Hargeysa laga siidayay ayaa waxaa uu ka mid ahaa 511 Maxbuus Madaxweynaha Somaliand cafis u fidiyey Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed.