berberatoday.com
Yemen”Xuutiyiinta Oo Laga Qabsaday Qaybo Madaarka Iyo Dekadda Magaalada Xudayda
June 20, 2018 - Written by Berbera Today

Yemen(Berberatoday.com)-Xoogagga u dagaalamaya xukuumadda dunidu aqoonsantahay ee Yemen ayaa qabsaday madaarka iyo dekadda Xudayda intooda badan.

.

Waxa halkaa maalinnimadii oo dhan ka socday dagaal culus oo dhex marayey xoogaggaas oo ay taageerayaan huwanta Sucuudigu hogaaminayo iyo fallaagada Xuutiyiinta.

 

 

Muuqaalo Telefishanadu baahiyeen ayaa muujinayey in dagaalyahanno ka tirsan isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta oo ku dhex jira madaarka.

Hadii si buuxda loogala wareego madaarka waxay arrintaasi wiiqi doontaa dagaalka ay doonayaan in ay ku haystaan magaalada Xudayda oo gacanta ugu jirtay dhawr sannadood.

Dekadda Xudayda waxa ay marin muhiim ah u tahay gargaarka loo wado malaayiinta qof ee Yemeniyiinta ah ee qarka u saaran macaluusha.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay in ay ku dhawyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudayda .

Af-hayeenka u hadlay xulafadaas Kornayl Turki Al-Maliki, muu cadaynin in in qorshahani yahay in ay xulufadu ku doonayso in ay magaalaada ku qabsanayo iyo in kale tan iyo markii ay bilaabmeen hawlgallada milatari ee dalkaas ka socdaa.

Waxaa uu Turki shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Riyaad ku sheegay in “Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wadaa ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir”

Masuuliyiin Yemeniyiin ah ayaa mar hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ciidamadaas ku si siqayaan Xudayda laakiin aanay weli go’aansanin in ay galaan goobaha rayidku deganyihiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews