Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Putland Oo Wada Qorshe Ay Iyaga Iyo Xukumada Madaxweyne Gaas Mudo Kordhin Ku Samaysanayaan
June 21, 2018 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Iyadoo Sabti uu furmayo kalfadhigii 41aad ee Barlamaanka Puntland ayaa Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Gudoomiha Barlamaanka iyo inta badan xildhibaanada Puntland ay Wadaan qorshe ay doonayaan in mudada ku kororsadaan xukumadana ugu kordhiyaan taasi oo aan la ogayn wadada ay marayaan madaama aysan jirin qodob dastuuri ah oo u fasaxaya in ay mudada kororsan karaan xukumadana u kordhin karaan madaama labada goleba mudo kooban ka hartay xilhayntooda .
Qorshaan oo mudo badan la hadal hayey ayaa si wayn u soo shaac baxay markii uu soo dhawaaday fadhiga Barlamaanka waxaana dabada ka riixaya xildhibaano aan rajo badan ka qabin in ay markale ku soo laabtaan mid ahaansha Golaha wakiilada Puntland ee soo socda