Sawirkii Ugu Horreeyey Abid Gabadh Timaheedu Muuqdaan La Gasho Dagaalyahannada Ururka Daalibaan Oo Shaaciyay
June 22, 2018 - Written by Berbera Today

Kaabul(Berberatoday.com)-Saxafiyad sawirqaad ah oo u dhalatay dalka Afqaanistaan ayaa ku guulaysatay in ay sawirkii nooca qofku iska qaado (Selfie) ahaa ee taariikhda ugu horreeyey ay la gashay xubno ka tirsan ururka Daalibaan, iyada oo aan xidhnayn xijaab. Arrintan ayaa dhacday intii lagu gudo jiray xabbad joojin ay dhowaan munaasabadda ciidda awgeed ku heshiiyeen dawladda Afqaanistaan iyo Dhaqdhaqaaqa Daalibaan.