Turkiga Oo Soo Iibsadey Diyaaradaha Dagaalka F-35
June 22, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay u sheegeen VOA.

Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda.