Xaaska Madaxweyne Trump Oo Lagu Dhaliilay Funaanad Ay Xidhatay, Maxaa Lagu Arkay Tolow
June 22, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xidhatay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay “dan iyo muraad kama lihi ee adiguna”?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad.