Khilaaf Ka Dhex Qarxay Midawga Yurub Iyo Maraykanka + Trump oo Ku Hanjabay Inuu Cashuuuro Ku Soo Rogo Baabuurta Yurub U Dhoofiso Dalkiisa
June 23, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Dhacdo kale oo noqon karta mid sii cakirta xiisadda ganacsi ee taagan, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu ku hanjabay in uu cashuur boqolkiiba labaatan ah ku soo rogi doono baabuurta Midowga Yurub u dhoofiyaan dalkiisa, hadii ururku cashuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Maraykanka ka noqon waayo.
